Non ti piace? Non importa! Puoi restituire gli articoli fino a 30 giorni
Non puoi sbagliarti con un buono regalo. Con il buono regalo, il destinatario può scegliere qualsiasi prodotto della nostra offerta.
Fino a 30 giorni per il reso
❝Buuggan wuxu ku saabsan yahay 10ka khalad ee ugu waawayn ee uu waalidku galo iyo xalkooda. Qoraagu wuxu si faahfaahsan buugga ugu soo gudbinayaa aqoonta iyo xirfadaha aasaaska u ah barbaarinta wanaagsan. Wuxu khalad-saxayaa fahannada khaldan ee barbaarinta innaga haysta sida: korinta iyo barbaarinta, edbinta iyo ciqaabta iyo farqiyada u dhexeeya.
Wuxu tilmaamayaa caqabadaha qarniga 21aad iyo sida habboon ee aan ubadkeenna casrigan u dhex barbaarin karno. Buuggan waa hage muhiim u ah qoyska oo doonaya in uu soo saaro ilmo caafimad qaba iyo carruur mas'uul ah.❞
- Maxamed Cabdulaahi Cartan
Agaasimaha Madbacadda Looh Press
MUBARAK HADI qoraa, tababbare iyo daaci ku nool dalka Maraykanka. Wuxu waxbarashadiisii jaamacadeed ku qaatay isla dalka Maraykanka isagoo bartay cimiga bulshada & cilmu nafsiga. Wuxu tababare iyo yahay mid ka mid ah aasaasayaasha Machadka Horumarinta Awoodaha Aadanaha ee PHD Center oo ay xaruntiisa tahay dalka Maraykanka.
Mubarak Hadi, waa qoraa leh labo buug oo uu ka mid yahay "Garaadso Intaadan Guursan" oo gayiga soomaalida caan ka ah. Tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxu ku hawlanaa majaalka tababbarka iyo tadriibka, isagoo tababarro iyo talooyinna siiyay boqollaal qof.
Ciao! Sono Libroamiko, il tuo consulente di libri.
Come posso aiutarti?